Halkee laga helaa talo bixinta
GMB
GMB waxay u taagan tahay Guud ahaan, Dowlada hoose, Bir sameeyayaasha iyo Ururka Midowga Ganacsatada. Ururku waxa uu ku leeyahay xarunta waxbarashada dadka qaangaarka ah Iskuulka St Marks taasoo bixisa ESOL iyo fasalada lagu barto kombuterka ee dadka wadanka ku cusub (ama ha noqdaan qaxooti ama shaqaale soo guuray) iyadoo ay la shaqeeynayaan koleejka Eastleigh College.
Waxay kaloo talo bixin iyo caawinaad siiyaan shaqaalaha ay shaqadu dhibaato ka haysato. Qasab ma aha inaad xubin ka tahay ururkaas si aad u hesho howlaha ay qabtaan.
St Marks School,
Stafford Rd
Southampton, Hampshire,
SO15 5TE
Telefoonkoodu waa: 023 8077 4299
Ficilka Qaxootiga
Refugee Action waa urur qarameed oo xafiis ku leh Portsmouth. Waxa ay talo bixin iyo caawinaad siiyaan qaxootiga iyo dadka magan galyo doonka ah. Howlaha ay qabtaani waxay ka dhacaan Southampton talaadada iyo jimcaha oo ay ku qabtaan Xarunta dhaqanada kala duwan ee, The Avenue, Southampton SO17 1XQ.
Tafaasiishooda aad kala xariiri kartid waa:
Refugee Action Suite F3/4
2nd Floor Venture Tower
Fratton Road, Portsmouth
PO1 5DL
Telefoonkoodu waa: 023 9285 7561
EU Welcome Project
Waa howlaha Talo bixinta iyo warbixinta ee la siiyo dadka ka yimid gobolada Yurubta Bari ee cusub ee ku soo biiray Ururka Midowga Yurub ilaa iyo 2004 (Oo loo yaqaan A10). Oo ah 8 wadan oo ku soo biirtay 2004, oo uu ugu weyn yahay wadanka Poland. Iyo labo wadan oo kale oo ku soo biiray 2007 – Romania iyo Bulgaria.
Ka soo wac Dave Adcock 07786 392886
ama email-ka ah: euwelcome@yahoo.co.uk
CLEAR
City Life Education iyo Action for Refugees (CLEAR) waxay la shaqeeyaan qaxootiga iyo dadka magan galyo doonka ah. Waxay siiyaan talo bixin iyo caawinaad, barashada luqada Ingriiska, iyo fasalo kale sida ICT iyo biloobida ganacsiga.
Maalmaha Talo bixintu waa Talaadada & Khamiista saacadaha 9.30 – 15.00, iyo Jimcaha 9.30 12.30.
CLEAR
11 Queensway
Southampton, Hampshire,
SO14 3BL
Telefoonku waa 023 8022 1111
Website: www.clearproject.org.uk
Qadka Caawinaada ESOL
CLEAR waxay leeyihiin qad telefoon oo uu soo wici karo qof kasta oo doonaya inuu barto Ingriiska ee Southampton. Dadka cusub ee hada yimid ee doonaya inay ogaadaan fasalada barashada Luqada Ingriiska waa inay kala xariiraan hayada CLEAR lambarka hoos ku qoran.
Telefoonka ESOL-ku waa 023 8023 3772
ama u soo dir email-ka ah:
esol@clearproject.org.uk
Xarunta Dhaqanada Kala Duwan
Xaruntu waxay furan tahay Talaadada iyo Jimcaha, oo waxaa maamula Red Cross. CLEAR, Refugee Action, Xarunta Talo Bixinta Sharciga ee Portsmouth dhamaanba hayadahaasi waxay bixiyaan howlaha caawinaada maalmaha kor ku qoran. Howlahaasi waxay iskugu jiraan Barashada ESOL ilaa talo bixin iyo caawinaad ay siiyaan qaxootiga iyo magangalyo doonka.
Xarunta dhaqanada kala duwan
The Avenue,
Southampton
SO17 1XQ
Telefoonku waa: 023 8067 8787
Kooxda Caawinaada Southampton iyo Winchester (SWVG)
SWVG waa hayad yar oo siisa caawinaado shaqsiyeed iyo dhaqaale dadka magangalyo doonka ah, qaasatan kuwa dhibaatada ku qaba sharciyada dowalada hada jirta.
0750 317 6350 (Telefoonka jawaabta)
Xarunta Caawinaada Shaqaalaha
Waxaa maamula Hayada Wheatsheaf Trust kuwaasoo ka caawin kara dadka shaqaalaha ah ee wadanka dibadiisa ka yimaada sidii loogu aqoonsan lahaa habka UK NARIC – Hayada Masuulka ka ah bixinta warbixinta talo siinta iyo fikradaha qubarada shaqooyinka, kuliyadaha iyo shaqooyinka wadamo ka badan 180 wadan oo dunida ah.
Wheatsheaf House,
24 Bernard Street,
Southampton,
SO14 3AY
Telefoonku waa: 023 8022 3345
Saacadaha ay furan tahay xaruntu waa: 1.30-4.30 Isniinta, Talaadada, iyo Khamiista.
Kooxda Caawinaada Caafimaadka Guri la’aanta
Kooxdaani waxay caawinaada caafimaadka siiyaan dadka guri la’aantu hayso ama dadka aan lahayn dhaqtarka joogtada ah (GB). Sidoo kale waxay caawiyaan dadka qaxootiga ah iyo kuwa magangalyo doonka ah ee ku cusub magaalada ee aan weli iska diiwaan gelin dhaqtarka.
Homeless Health Care Team
30 Cranbury Avenue,
Southampton,
SO14 0LT
Telefoonku waa: 023 8033 6991
Pamela Campbell – Madaxa Kooxda Kalkaalisada
HAMAOUS
Waxay bixiyaan talooyinka la xariira lacagta, kala xariir Dowlada Hoose ee Southampton: the Housing and Money, Advice Outreach Service (HAMAOUS)
U diritaanka howlahaan waxaad ku heli kartaa haddii aad soo wacdo telefoonka ah 023 8033 9206, ama noo soo dir email. Haddii aad noogu soo dirayso U diritaanka Email, fadlan soo buuxi foomka halkaan la socda oo dib ugu soo dir: outreach.advice@southampton.gov.uk
CAB
Waxay bixiyaan howlo fara badan oo bilaash ah, qarsoodi ah iyo talooyin cadaalad ah oo ku saabsan arimaha immigrashinka, dhalashada, arimaha sharciga, caawinaada, guryaha iwm.
3 Kings Park Road
Southampton, SO15 2AT
Telefoonku waa: 023 8022 3659
Laakiin Anigu Kuma Hadli Karo Ingriiska
Haddii aadan si fiican Igriiska ugu hadlin, Hayadaha (booliiska, Shaqaalaha Bulshada, Hayadaha Talo siinta) waa inay ku siiyaan turjibaan; weydiiso in mid lagu keeno haddii uusan turjibaan joogin.
Haddii aadan ku qanacsanayn sida uu turjibaanku kula dhaqmayo ama aad ka cabsanayso in warkaagu uu noqdo mid aan qarsoonayn, weydiiso hayadu inay ku raadiso turjibaan kale.
Helitaanka Isgaarsiinta
Waxay bixiyaan Howlaha Turjibaanada
Telefoonku waa: 023 8024 1300 ama
Telefoonku waa: 023 8024 1301
Hayadaha Qaranka iyo Websid-yadooda
Multikulti
Waxay bixiyaan warbixinta iyo talooyinka la xariira guryaha, immigrashinka, caawinaadaha, caafimaadka, deynta, waxbarashada iyo shaqooyinka oo ay ku bixiyaan luqado kala duwan.
My UKinfo