Howlaha Degdegta ah 999

Howlaha Degdegta ah 999


Bookmark and Share


Fadlan u isticmaal 999 inaad ku soo sheegto xaaladaha degdegta ah. Goorta ay tahay inaad isticmaasho 999

  • Soo wac 999 kaliya haddii:
  • Uu denbiilahu agtaada joogo
  • Noloshaadu ay qatar ku jirto
  • Dhaawac uu kugu dhacay ama aad ka cabsanayso
  • Denbi ama xumayni ay dhacayso markaas
  • Xaaladaha Degdegta ah

Si aad ula xariirto booliiska xaalada baaritaanada caadiga ah ama saldhiga booliiska degaankaada waxaad soo wacdaa 084 5045 4545.

Howlaha Aan degdegta ahayns

101 (Nambarka Howlaha aan degdegta ahayn oo kaliya)

101 waa nambar shaqeeya 24-ka saacadood ee maalintii oo ay bixiyaan Booliiska Hampshire. U isticmaal nambarkaan markii ay xaaladu degan tahay markaas, tusaale ahaan:

  • Wax jajabinta, derbi wax ku qorida ama dhaawacyada kale ee dhismayaasha
  • Dhibaatooyinka la xariira qaylada
  • Cabsi gelinta iyo u caga juglaynta
  • Baabuurta la dayaco
  • Qashinka lagu daadiyo wadooyinka
  • Dadka saqraansan ee ku qeyblinaya meelaha bulshada ah
  • Edaabta bulshada ka soo hor jeeda ee muqaadaraadka la xariirta
  • Dhibaatooyinka nalalka wadooyinka

Howlaha qadka 101 waa howlaha dhibaatooyinka aan degdegta ahayn. Haddii ay jiro xaalada degdeg ah mar kasta waa inaad wacdaa 999 .

Dowlada Hoose ee Southampton (City Council)

Telefoonkooda Guud waa 023 8022 3855
Waxana uu shaqeeya saacadaha u dhaxeeya 8:30am – 5pm Maalmaha Shaqada (4:30pm Jimcayaasha), Maalmaha fasaxa sitimaanka iyo feestooyinka.
Telefoonka Howlaha Degdegta ah ee saacadaha shaqada ka baxsana waa 023 8023 3344.

Inay oogu soo sheegaan dayactirka guryahooda ama dayactirida meelaha ay dadku wadaagaan ee guryaha ay degan yihiin.

Actionline 080 0519 1919

8:30am – 5pm Isniinta – Jimcaha.

U isticmaal qadkaan telefoonka Actionline inaad noogu soo sheegto dhibaatooyinka ay ka mid ka yihiin dayacaada baaburta, hoyga baska oo la jabiyay ama la dhaawacay, saxarada eeyaha/dhaqan gelinteeda, derbi wax ku qorida, qaaditaanka qashinka, nalalka wadooyinka, geedaha, wadooyinka aan fiicnayn iyo meelaha ay dadku araanba. Dadka degan guryaha kawnsilku ee Southampton waxay u isticmaali karaan qadka telefoonka inay oogu soo sheegaan dayactirka guryahooda ama dayactirida meelaha ay dadku wadaagaan ee guryaha ay degan yihiin.

Qeybta Debka & Raadinta

Qeybta Dabka iyo Raadinta Hampshire waxay bixiyaan talooyinka ah sidii aad ku hubin lahyd inuu gurigaadu ahaado mid nabadgelyo ah oo ka maran qatarta dabka. Waxay bixiyaan ‘Soo booqasho guryaha’ oo lacag la’aan ah. wixii warbixin dheeraad ah halkaan riix

www.hantsfire.gov.uk/index

Booliiska Hampshire

www.hampshire.police.uk/internet

Howlaha Ambalansiga Koonfurta bartamaha

Ka soo wac 999 ambalansiga haddii uu jiro dhaawac ama jiro qatar ah ama nolosha qatar gelinaysa. Wixii warbixin dheeraad ah halkaan riix

www.southcentralambulance.nhs.uk