Dhalashada British-ka

Dhalashada British-ka


Bookmark and Share


Haddii aad ku noolayd wadankaan UK intii muddo ah oo aad haysato sharciga degenaashada joogtada ah ama loo yaqaan (indefinite leave to remain,) waxaa laga yaaba inaad codsan karto sharciga dhalashada British-ka. Waraaqaha, lacagta iyo sharuudaha guudna waxaad ka heli kartaa web side-ka UKBA ee ah www.ukba.homeoffice.gov.uk/britishcitizenship ama waxaad u diri kartaa telefoonka Xarunta La Xariirida Dhalashada ee 084 5010 5200.

Waxaa laga doonayaa inaad muujiso inaad ku hadli karto luqada Ingriiska oo aad taqaan nolosha wadankaan UK. Dadka intiisa badan waxaa looga baahan yahay inay Imtixaan Nolosha UK galaan web side-kaanina waxay kaa caawin kartaa sidii aad imtixaanka iskugu diyaarin lahayd www.lifeintheuktest.gov.uk

Waxaa lagaaga baahan yahay inaad barato intii aad ka awoodo nolosha UK ka hor inta aadan imtixaanka gelin. Waxaad ka heli kartaa warbixintaas buuga yar ee loo yaqaan Life in the United Kingdom: A Journey to Citizenship www.tsoshop.co.uk/bookstore.asp

Haddii aad u malaynayso in aqoontaada luqada Ingriisku ay ka yar tahay Xadka 3 ee ESOL looma baahna inaad imtixaanka biloowdo hada waxaad baran kartaa Fasalada Luqada Ingriiska iyo dhalashada. Kala xariir Qadka Warbixinta ESOL : 023 8023 3772 esol@clearproject.org.uk fasalada ka socda degaankaada

Isbedelada Sharciga DHalashada (Citizenship)

Sharciga Cusub ee Xaduudaha, Dhalshada iyo Immigarshinka ee soo baxay 2009 ayaa waxa uu isbedelo ku sameeyay sharuudaha iyo habka loo helo dhalashada British-ka, oo ay ku jiraan ‘helitaanka dhalshada’ halkaasoo ay dadka soo codsanaya dhalashadu ay tahay inay helan dhibco ku filan si ay si joogto ah ugu degenaadaan UK. Hayada Xaduudaha UK (UKBA) waxay qorsheeynaysaa inay soo bandhigto habka helitaanka dhalshada July 2011.

Isbedelada la soo jeediyaya ee sharciga qaadashada dhalashada (citizenship)

www.ukba.homeoffice.gov.uk/sitecontent/newsarticles/2009/august/proposed-changes-to-law1

U diyaar garoowga Habka Helitaanka Dhalashada

www.ukba.homeoffice.gov.uk/sitecontent/newsarticles/2009/september/transitional-arrangements-earned

Howlaha Sixitaanka Qaranka

www.southampton.gov.uk/living/citizenship/nationalitycheckingservice.aspx waxaad ka heli kartaa Xafiiska Diiwaangelinta Southampton

Ujeedada laga leeyahay howlahaani waa in lagu yareeyo soo daahitaanka codsiga markii ay dadku aanay si saxan u buuxin codsigooda. Howlahaani waxay sidoo kale xaqiijin doonaan in waraaqaha saxdaa iyo kharashka saxdaa ay la socdaan codsiga. Waxay koobi ka qaadi doonaan dokumeentiga taasoo u fasaxaysa soo codsaduhu inuu haysto dokumeentigiisa muhiimka ah. Shaqaalahaas waxaa loo tababaray ujeedadaas oo kaliya. Kuma ay siin karaan talo ku saabsan in codsigaada la ogolaanayo iyo in kale. Ma awoodaan inay dedejiyaan codsigaada.

Howshaani waa lacag taasoo laga doonayo inaad bixiso waqtiga balanta lagu qabtay lacagtana waxaad ku bixin kartaa kaararka credit-ka ama debit-ka.

Si aad u hesho howlahaas waxaa loo baahan yahay inaad balan ka sameeysato Xafiiska Diiwaangelinta:

The Register Office,
6a Bugle Street,
Southampton SO14 2LX.
Telephone 023 8091 5325
or email nationality.checking@southampton.gov.uk