Foluntiyeer noqo oo hel waayo aragnimo shaqo

Foluntiyeer noqo oo hel waayo aragnimo shaqo


Bookmark and Share


Foluntiyeerku waa qofka siiyay waqtigiisii si uu u hagaajiyo nolosha dadka kale. wadankaan UK, hayado badan oo caawineed iyo kooxo bulshada ah ayaa waxay isticmaalaan shaqaale foluntiyeero ah. Howlaha foluntiyeerku wey kala duwan yihiin: waxay noqon karaan caawinaada dadka waayeelka ah, saaxiib lala noqdo dadka cidlada ku nool iyo kuwa xanuunsan, noqoshada tababare cayaareed, qabashada xafaladaha oo iskaa wax u qabso loo qabto, caawinaada caruurta dhigata iskuulka iyo kuwo kale oo fara badan.

Waa furdsad aad ku isticmaali karto shahaadooyinkaada iyo kor ugu qaadi karto xirfadahaada iyo ku baran karto xirfado kale oo cusub. sidoo kale waa fursad fiican oo aad saaxiibo ku sameeysan karto, waxaad kaloo ku siyaadin kartaa Ingriiskaada iyo ku baran kartaa xaaladaha shaqooyika UK.

Shaqooyinku waxay jecel yihiin dadka foluntiyeerka u noqda bulshooyinkooda

Shaqooyinka qaarkood badana waxay jecel yihiin inay shaqada siiyaan qof shaqo foluntiyeer ah ka soo qabtay UK intii ay siin siin lahaayeen qof aan weligiis qaban shaqo foluntiyeer ah ama qof aan weligiisba shaqeeyn. Waana fursad aad ku hagaajin karto xirfadahaada.

Raadso Aqoonsi

Dhamaadka waqtigaada shaqada iskaa wax u qabsashada ah, waxaa laga yaaba inaad aqoonsi ka hesho ururo ama kooxo foluntiyeer ah. Muujinta shaqo wanaaga iyo doonitaanka iskaa wax u qabsashadu waxaad ku heli kartaa aqoonsiyo qiime fiican u leh mustaqbalka shaqadaada.
Waxaa jira fursado badan oo aad uga heli karto shaqo iskaa wax u qabso ah Southampton. Qof kasta oo ka weyn 18 sanno jir ayaa noqon kara foluntiyeer. .

Si aad u hesho warbixin dheeraad ah

Southampton Voluntary Services (SVS)
The Voluntary Action Centre
Kingsland Square
St Mary Street

Telefoonka: 023 8022 8291

Email: volunteering@southampton.org.uk

Web: www.southamptonvs.org.uk

Hayadaha kale ee bixiya shaqooyinka iskaa wax u qabsiga:

CLEAR

11 Queensway,
Southampton, Hampshire,
SO14 3BL

Telefoonka: 023 8022 1702

Email volunteer@clearproject.org.uk

Avenue Multicultural centre

The Avenue,
Southampton
SO17 1XQ

EU Welcome Project

Ka soo wac Dave Adcock telefoonka ah 07786 392886

ama email-ka ah: euwelcome@yahoo.co.uk