Waxbarashada Cunugaada
Dhamaanba caruurta ku nool England ee ay da’doodu u dhaxeeyso 5 illaa 16 sanno jirku waxay xaq u leeyihiin inay helaan Iskuulka dowlada. Caruurtu waxay badanaaba bilaabaan dugsiga hoose afar jirka markii ay yihin. Waxayna badanaaba dugsiga hoose ka baxaan markii ay da’doodu tahay 11 sanno jirka oo u gudbaan dugsiga sare.
Iskuulada dowlada intooda badani waxay qabtaan arday iskugu jira wiilal iyo gabdho, oo hal iskuul wada dhigta.
Waa sharci in dhamaanba caruurtu dhigtaan iskuul inta ay da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 16 sanno jirka.
Helitaanka Iskuulka
Si aad u hesho iskuul u dhow meesha aad degan tahay la soo xariir Kooxda Ku qoritaanka Iskuulka ee Dowlada Hoose ee Southampton. Waxay kaa qaadi doonaan magaca cunugaada, taariikhdii uu dhashay iyo ciiwaaankaada kuna soo diri doonaan foomka codsiga iskuulka iyo liiska iskuulada.
Waa inaad soo buuxisaa foomkaas dibna u soo dirtaa. Kooxda ku qoritaanku waxay ku soo diri doonaan waraaqad ku sheegaysa iskuulka aad aadi karto iyo maalinta aad bilaabi doonto.
Ciiwaankoodu waa :
School Admissions Team,
3rd Floor, Southbrook Rise,
4-8 Millbrook Road Estate,
Southampton.
SO15 1YG
Telefoonkooduna waa: 023 8083 2125
Email-ka: school.admissions@southampton.gov.uk
Website-ka: www.southampton.gov.uk/learning/applyingforaschool/default.aspx
Waa arin muhiim ah in aad soo codsato waqti hore. Soo codso xiliga deyrta sanadka ka horeeya midka uu cunugaadu bilaabi doono iskuulka. Tusaale ahaan haddii uu cunugaadu dugsiga sare bilaabayo sebtember 2011, waa inaad soo codsataa sebtember ama Oktober 2010. Markii aad ogaato iskuulka u dhow meesha aad degan tahay, isku day inaad hesho warbixin dheeraad ah oo ku saabsan iskuulkaas. Midaasi waxay kaa caawinaysa sidii aad ugu doori lahayd cunugaada iskuulka ugu fiican.
Iskuulada qaarkood aad ayay dadku u jecel yihiin marka si dhaqso leh ayay u buuxsamaan sanad walba, cunugaaduna waxaa laga yaaba inuusan helin iskuulkii aad u doortay. Haddii uusan cunugaadu boos ka helin iskuulkii aad doorateen, waxad xaq sharci ah u leedahay inaad racfaan ka qaadato arintaas.
Telefoonku waa : 023 8083 2125
Email-ka: school.admissions@southampton.gov.uk
Ka qeybgal waxbarashada cunugaada
Waalid ahaan, waxaad ku caawin kartaa cunugaadu inuu ku guuleysto waxbarashada iskuulka haddii aad u muujiso inaad danaynayso waxa uu baranayo. Ka caawi howlaha guriga iyo hubso inuu maalin walba tago iskuulka. Hubso inay ku yimaadaan waqtigoodii loogu talo galay iyo soo xirtaan dharka saxda ah ee iskuulka lagu dhigto iyo cayaaro.
La xariir macalinka cunugaada si aad u ogaato sida aad uga wada shaqeeyn kartaan waxbarida cunugaada. Waxaad arin weyn ka qaban kartaa fursadaha uu cunugadu ugu guuleysan karo iskuulka, guriga iyo mustaqbalka noloshooda danbe. La shaqeeynta iskuulka cunugaadu waxay ka caawin kartaa sidi uu iskuulka ugu guuleysan lahaa.