Waxbarashada iyo Tababarka Dadka Qaangaarka ah

Waxbarashada iyo Tababarka Dadka Qaangaarka ah


Bookmark and Share


English Classes (ESOL)

Waxaad ka qeyb geli kartaa fasalada Ingriiska halkaasood ku baran karto ku hadalka, aqrinta iyo qorida luqada Ingriiska iyo sidoo kale waxaad ku baran kartaa xirfado kale. Wixii warbixin dheeraad ah waxaad ka soo wici kartaa Qadka Warbixinta Telefoonka ESOL.

Telefoonkooduna waa : 023 80233772

Email: esol@clearproject.org.uk

Waxbarashada Teknoolajiga ama IT-ga/Galaasyada Kombuterka

Waxaa jira dhowr nooc oo ah fasalada IT-ga oo aad heli karto, tusaale ahaan Barashada Kombuterka, Xirafadaha Xafiiska, iyo fasalo ku saabsan sameeynta kombuterada iyo barnaamijyadooda. Waxaad sidoo kale ka baran kartaa xirafadaha kombuterka koleejka ama internetka.

Further Education Colleges
Internet based education and training, website: http://alison.com

Tababarada Shaqooyinka iyo Waxbarashada

Tababarada shaqooyinku waxay kaa caawin karaan sidii aad ku baran lahayd aqoonta iyo xirfadaha shaqooyinka qaaska ah, tusaale ahaan, haddii aad doonayso inaad barato sida guryaha loo dhiso, tubooyinka, waardiyanimada, timo jarida, iwm

Southampton City College
Telefoonkoodu waa: 023 8048 4848
Website: www.southampton-city.ac.uk

Tagitaanka Jaamacaadaha

Waxaa jira dhowr nooc oo maadooyin waxbarasho oo diyaar kugu ah jaamacadaha. Waxaa lagaaga baahan yahay inaad u haysato shahaadooyin qaas ah maadooyinkaas. Waxaa sidoo kale loo baahan yahay inaad ku baasto Imtixaanka Luqada Ingriiska (IELTS) oo heer sare ah.

Kala xariir qadka warbixnta ee ESOL oo ah (023 8023 3772) wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan IELTS.

Tababarka Shaqaalaha

Shaqooyinka qaarkood waxay kaa caawin karaan tababarada inta aad shaqeeynayso, qaasatan meelaha ay muhiimka u tahay shaqada aad qabanayso.

Waxaa sidoo kale jira shaqooyinka qaarkood oo ay tahay inaad hesho tababar qaas ah si aad shaqadas u qabato, tusaale ahaan, haddii aad doonayso inaad ka shaqeeyso maqaayad, waxaa lagaaga baahan doonaa inaad haysato Shahaadada Nadaafada Cuntada ama haddii aad doonayso inaad ka shaqeeyso maqaasiin, waxaa laga yaaba in lagaaga baahdo inaad haysato Lisenka wadida forkliftiga.

Fasalo Lacag La’aan ah

Tababarada qaarkood waa lacag la’aan, qaarkoodna waxaa lagaaga baahan doonaa inaad xoogaa lacag ah bixiso. Qaarkoodna waxaa lagaaga baahanayaa inaad bixiso qarashka oo dhan. Waa inaad marka hore kala tashataa tababar bixiyaha haddii loo baahan yahay inaad qarash bixiso iyo in kale ka hor inta aadan saxiixin fasalkaas inaad ka qeyb galayso. Koleejooyinka degaanku sidoo kale waxay bixiyaan tababaro

Waxbarashada iyo Tababarada aad ka heli karto Internetka

Waxaad sidoo kale u isticmaali kartaa Internetka inaad ka hesho tababaro. Tusaale ahaan, ALISON waxay bixiyaan koorsooyin kala duwan oo bilaash ah, kuwaas waxaa ka mid ah:

  • Xirfadaha IT-ga & Waxbarashada Dijitaalka oo bilaash ah
  • Xirfadaha Ganacsiga & Shirkadaha oo bilaash ah
  • Barashada Sharuucda Caafimaadka iyo Nabadgelyada oo bilaash ah
  • Waxbarashada Erayada Caafimaadka oo bilaash ah
  • Xirfadaha Luqada oo bilaash ah

Website-ku waa: http://alison.com

Warbixin Dheeraad ah

Wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan tababarada iyo shaqooyinka Southampton

Contact Jobcentre Plus, Bernard Street, Southampton , SO14 3AY
0845 6060 234
www.jobcentreplus.gov.uk

The Wheatsheaf House, 24 Bernard Street, Southampton S014 3AY
023 8022 3345
www.wheatsheaf24.demonweb.co.uk