Waxbarashada UK iyo Shahaadooyinkaada

Waxbarashada UK iyo Shahaadooyinkaada


Bookmark and Share


Shaqadaada ama jaamacada aad dhigato ma aqoonsan yihiin shahaadooyinkaada?

Shaqadaada ama jaamacada aad dhigato waxaa laga yaaba inaysan fahansanayn heerkaada waxbarasho ama nooca shahaadooyinkii aad ka soo qaadatay wadankaadii hooyo.

Haddii ay midaasi ku quseeyso, kala xariir UK NARIC, xarunta Aqoonsiga Warbixinta Qaranka ee UK www.naric.org.uk

Heerka waxbarashadaada

UK NARIC waxay eegayaan shahaadooyinkii aad ka soo qaadatay wadankaadii. Waxay waraaqad u diri karaan shaqadaada ama jaamacada degaankaada, tusinaysa sida ay shahaadadaadu ugu dhiganto shahaadooyinka UK. Midaasina waxay ka caawinaysaa shaqadaada iyo jaamacaaduba inay fahmaan xirafdaha iyo aqoonta aad leedahay.

Markii aad hesho waraaqdaas UK NARIC, waxaad go’aansan kartaa wixii aad markaas ka dib sameeyn lahayd

  • Haddii aad sii wadanayso waxbarashadaada si aad kor ugu qaado.
  • Shaqo u biloobi lahayd
  • U codsan lahayd xaalad jaamacadeed, tusaale ahaan haddii aad doonayso inaad macalin noqoto
  • U codsato Barnaamijka Shaqaalaha Xirfada Sare ee Guurayaasha ah oo qeyb ka ah howsha codsiga Fasaxa Shaqada.

Wixii warbixin dheeraad ah waxaad kala xariiri kartaa
Wheatsheaf Trust.
Bernard Street
SO14 3AY
(oo ku dhegan Job Centre-ka)
Telefoonkooduna waa: 023 8023 7662

www.wheatsheaftrust.org