Waxbarashadaada: Barashada Qadka Warbixinta Ingriiska

Waxbarashadaada: Barashada Qadka Warbixinta Ingriiska


Bookmark and Share


ESOL waxay u taagan tahay Igriiska dadka ku hadla luqadaha kale. Haddii aad doonayso inaad barato luqada Ingriiska ama aad kor u qaado luqada Ingriska aad taqaano waxaa jira fasalo diyaar ku ah.

Si aad ku hesho warbixinta barashada luqada Ingriiska, fadlan kala xariir CLEAR

Telefoonka ah: 023 8023 3772

Haddii uusan halkaas joogin qof ku caawin kara markaas, fadlan u dhaaf fariin oo markaas CLEAR ayaa dib ku soo wici doona. CLEAR waxay kaloo ku siin karaan warbixinada kale ee ku saabsan arimaha la xariira waxbarashada UK.

Waxaad sidoo kale u soo diri kartaa email:

esol@clearproject.org.uk fadlan ku soo qor ‘learn English’ qeybta kore ee fariinta emailka.

Ka baro luqada Ingriiska Internetka

Waxaad sidoo kale ka baran kartaa luqada Ingriiska Internetka. Riix Webside-ka English for Life and Work www.englishforlifeandwork.co.uk
Waxaa jira webside-yo fiican oo luqada Ingriiska ah. Waa inaad iska diiwaan gelisaa si aad u hesho koorsooyinkaas. Waxaad u baran kartaa luqada Ingriiska waxa aad doonayso inaad qabato, haddii ay tahay wax soo iibsasho, aaditaanka dhaqtarka ama ku hadalka Ingriiska ee shaqada. Waxaa jira koorsooyin balaaran oo afar qeybood loo qeybiyo:

  • Shaqada
  • NoloshaWadanka UK
  • Ingriiska Guud
  • Imtixaanada