Caawinaada Shaqo Raadinta

Caawinaada Shaqo Raadinta


Bookmark and Share


Jobcentre Plus waa hayad dowlada ka mid ah oo loo sameeyay inay dadka ka caawiso shaqo raadinta. Waxay sidoo kale siiyaan caawinaad dadka u qalma inta ay shaqada raadinayaan. Waxay bixiyaan talooyin balaaran iyo caawinaad ka caawinaysa dadku sidii ay shaqo ku heli lahaayeen.

Haddii aad doonayso inaad la xariirto Jobcentre Plus oo uusan Ingriisku ahayn luqadaada koowaad, waxaad

  • Isiticmaali kartaa turjibaankaada
  • Weydiisan kartaa Jobcentre Plus inay turjibaan ku keenaan

Isticmaalka Turjibaankaada

Waxaad weydiisan kartaa qof saaxiibka ah ama qoyskaada ah inuu ku turjibaano. Laakiin inta aadan go’aansan qofkii aad weydiisan lahayd, xasuuso:

  • Turjibaankaadu da’diisu waa inay ahaataa 16 sanno jir iyo wixii ka weyn (warbixinta kaliya ee ay isticmaali karaan Jobcentre Plus haddii uu cunug yari ku turjibaanayo waa inay xaqiijiyaan magacaada, ciiwaankaada iyo luqada aad ku hadasho)
  • Waa inay ku hadlaan luqadaada iyo Ingriisba
  • Qof kasta oo aad doorataa waxa uu ku turjibaani doonaa su’aalaha iyo bixin doonaa warbixntaada shaqsigaa iyo dhaqaalahaadaba, marka waa inuu ahaadaa qof aad ku aamini karto warbixntaada
  • Turjibaankaadu waa inuu ku turjibaanaa su’aalaha ay Jobcentre Plus ku weydiiyaan kaliya, iyo jawaabta aad adigu siiso. Waa inaysan isku dayin inay adiga su’aalaha kaaga jawaabaan.

Weydiisashada Jobcentre Plus inay ku diyaariyaan turjibaan

Waxaa lagaaga baahan yahay inaad u sharaxdo Jobcentre Plus luqada aad doonayso in lagu turjibaano. Waxaa fiican inuu kula socdo qof ku haldi kara luqadaada iyo Ingriisba si ay Jobcentre Plus u fahmaan nooca turjibaanka ay ku diyaarinayaan.

Jobcentre Plus waxay isku dayayaan inay turjibaan ku soo helaan hal maalin gudaheed. Haddii uu wareeysigaadu ama telefoonkaadu uu yahay mid degdeg ah, Jobcentre Plus badanaaba waxay markiiba ku heli karaan turjibaanka telefoonka.

Jobcentre Plus waxay kaloo kaa caawin karaan soo buuxinta foomanka.

Namabara Lagala xariiro shaqada

Waxaa jira labo telefoon nambar oo waaweyn oo ah Jobcentre Plus. Xataa haddii aad doonayso inay Jobcentre Plus ku diyaariyaan turjibaan, waxaad u baahan doontaa inuu qof kale u macneeyo Jobcentre Plus luqada aad ku hadasho. Haddii aad raadinayso shaqo, waxaad wacdaa Jobcentre Plus si aad u ogaato shaqooyinka ay hayaan.

Waxaad ka wacdaa Jobcentre Plus telefoonka ah 084 5606 0234 inta u dhaxeeysa Isniinta ilaa Jimcaha 8am ilaa 8pm, iyo Sabtida 9am ilaa 1pm.

www.direct.gov.uk/en/Employment/Jobseekers/LookingForWork/index

SI aad u codsato caawinaad

If you want to make a new claim for benefit:
Haddii aad doonayso inaad sameeyso codsi cusub oo caawinaad:
Waxaad ka wacdaa Jobcentre Plus telefoonka ah 0800 055 6688. Isniinta ilaa Jimcaha 8am ilaa 6pm