Nambarkaada NI iyo Caawinaada Bulshada

Nambarkaada NI iyo Caawinaada Bulshada


Bookmark and Share


Nambarkaada Ceymiska Qaranku (National Insurance Number) waa nambar shaqsiyaan ah oo loo isticmaalo caawinaada iyo habka canshuur bixinta. Waxaa lagu diiwangeliyaa lacagta aad canshuur ahaan u bixiso. Waxaa sidoo kale loo isticmaalaa:

  • Markii aad shaqeeyso, waxaad bixinaysaa canshuur iyo lacagta Ceymiska oo laga jarayo jeegaada shaqada (PAYE).
  • Lacagtaada waayeelnimada: Waxaad u baahan doontaa Nambarka NI si aad u hesho lacagahaada qidmada markii aad duqoowdo
  • Markii aad raadinayso shaqo, waxaad u qalantaa Caawinaada Shaqo Raadiyaasha inaad soo codsato.
  • Codsiga Caawinaada Guryaha.

Nambar kasta oo ah nambarada ceymiska qaranku waa gooni. Waxaana uu ka kooban yahay xarfo iyo nambaro sidan u eg:

QQ 12 34 56 A

Nambarka NI iyo Shaqada

Haddii aad shaqo raadinayso iyo haddii aad caawinaad qaadatoba, waa inaad codsataa NI sida ugu dhaqsaha badan.

Waxay qaadan kartaa dhowr sitimaan ama dhowr bilood si aad nambar u hesho marka waa mid muhiim ah inaad u codsato nambarkaada sida ugu dhaqsaha badan. UMA aad baahnid nambarka Ceymiska Qaranka inta aad shaqada raadinayso, Laakiin WAAD u baahan tahay markii aad shaqo biloowdo.

Shaqooyin badan ayaan jeclayn inay shaqada siiyaan dadk aan weli helin nambarka ceymiska qaranka. Haddii ay midaasi kugu dhacdona, waa inaad u soo sheegtaa Jobcentre Plus. Tus cadeeynta ah inaad shaqo raadinaysay. Weydiiso inay ku caawiyaan.

Codso Nambarkaada NI

Si aad u codsato nambarkaada Ceymiska Qaranka, wac telefoonka ah 0845 600 0643

Markii aad soo codsato Nambarka Ceymiska Qaranka, waa inaad ka jawaabtaa dhowr su’aalood, tusaale ahaan:

  • Magacaada oo buuxa
  • Taariikhdii aad dhalatay
  • Postcode-kaada iyo ciiwaankaad oo buuxa
  • Wadankaan UK hada ka hor ma timid? Haddii aad timid: Goorma?
  • Ma ka shaqeeysay UK ?
  • Sidee ku shaqeeysay?

Haddii aadan ku hadli karin Ingriiska, weydii wakiilka inuu ku keeno turjibaan oo u sheeg luqadaada, tusaale ahaan “ Anigu waxaan ku hadlaa Kurdish”

Cadeeynta Aqoonsiga ee Wareeysiga

Jobcentre Plus ayaa ku diyaarin doona waraysiga Cadeeynta Aqoonsiga (EOI) adiga.

Waxay ku xaqiijin doonaan maalinta, waqtiga iyo goobta wareeysiga iyo waxay ku sheegi doonaan warbixinta iyo dokumeentiga ay tahay inaad keento wareeysiga.

Waa mid muhiim ah inaad horay u sii qaadato dhamaanba dokumeentiga aad haysato oo aan koobi ahayn sida ID masawir leh, baasaboor, kaarka aqoonsiga qaranka, kaarka ARC, waraaqda dhalashada, iwm.

Bogaga

Codsiga Nambarka Ceymniska Qaranka

www.direct.gov.uk/en/MoneyTaxAndBenefits/ BenefitsTaxCreditsAndOtherSupport/BeginnersGuideToBenefits/DG_10014073

Dowlada Hoose ee Southampton (City Council)

www.southampton.gov.uk/living/recessionadvice/finding.aspx