Xaquuqdaada Shaqada
Qof kasta, oo ay ku jiraan shaqaalaha shirkaduhu, waxay leeyihiin xaquuqdaan:
Mushaarada Ugu Yar ee Qaranka
Ilaa iyo 1-dii Oktoober 2009, mushaarada ugu yar ee dadka qaangaarka ah ee shaqeeya ee da’doodu ka weyn tahay 22 sanno jirku waa £5.80 saacadiiba.
Mushaarada ugu yar ee dhalinyara soo koraysa ee da’doodu ay u dhaxayso 18 – 21 sanno jirka iyo shaqaalaha ku jira tababarida shaqooyinka xirfadaha ee ku jira 6 bilood ee ugu horaysay shaqadu waa £4.83 saacadiiba.
Xadka saacadaha shaqada
Waxaad xaq u leedahay inaadan shaqeeyn wax ka badan 48 saacadood sitimaankiiba inaad doonayso mooyaane. Shaqooyinka qaarkood ayaa waxaa laga yaaba inay ku weydiistaan inaad u saxiixdo ‘foomka ogolaanshada’ taasoo macnaheedu yahay inaad shaqeeyn karto wax ka badan 48 saacadood. Sharcigu waxa uu oranayaa inaan lagugu qasbi karin inaad saxiixdo foomkaas fasaxa ogolaanshada, ama aan si xun lagula dhaqmi karin haddii aad diido inaad saxiixdo.
Nasashada
Dadka qaangaarka ah ee shaqaalaha ahi waxay xaq u leeyihiin nasasho 11 saacadood ah oo u dhaxeeysa maalmaha shaqada. Midaasi macnaheedu waxa uu yahay in haddii aad shaqada dhamayso 8.00 pm Isniinta markaas ma aha inaad shaqada dib u biloowdo ilaa iyo inta laga gaarayo 7.00 am Talaadada.
Fasaxa shaqada
Waxaad xaq u leedahay hal maalin oo fasax ah sitimaan kasta
Fasaxyada
Dhamaanba shaqaalahu waxay xaq u leeyihiin 5.6 sitimaan oo fasax lacagtiisa la siinayo sanad kasta (28 casho). Xaquuqdaasi waxay ku bilaabanaysaa maalinta ugu horaysa ee aad shaqada biloowdo.
Ka mid noqoshada Ururada Shaqaalaha
Shaqadaadu kulama ay dhaqmi karto si xun sababtoo ah waxad xubin ka tahay ururka shaqaalaha.
Ka jaritaanka Cadaalada ah ee Mushaarka
Waa inaan laga jarin qarashyo aan loo simanayn jeegaada sida waxyaabaha ay ka midka yihiin dharka shaqada ama qalabka nabadgelyada. Haddii aad u malaynayso inay midaasi kugu dhacday, raadso tallo bixin.
Warbixino iyo Tallo bixin
Southampton Advice Representation Centre (Xarunta Wakiilada Tallo bixinta ee Southampton)
11 Porchester road
Southampton
SO19 2JB
Telefoonka: 023 8043 1435
GMB
St Marks School,
Stafford Rd
Southampton, Hampshire,
SO15 5TE
Telefoonka: 023 8077 4299
Kala xariirida qaranka:
Qadka Telefoonka Mushaarada iyo Xaquuqda Shaqaalaha: 080 0917 2368
Wixii warbixin dheeraad ah riix halkaan hoose