Gurigaada iyo Barnaamijka deboositka ijaarka
Barnaamijkaani waa hab looga caawiyo dadka deboositka markii ay helaan guri ay ijaartaan. Caawinaada dhaqaale ee uu barnaamijkaani bixiyana waa deboositka oo kaliya ee ma aha ijaarka. Si aad u hesho caawinaadaas, waa inuu daqligaadu yahay mid yar ama aad qaadato caawinaada bulshada. Waa inay da’daadu ahata inta u dhaxeeysa 18 – 65 sanno jir oo aad awoodaa inaad si xornimaa u noolaato.
Caawinaadaan markiiba iskama aad helaysid. Waa inaad la hadashaa dadka maamula barnaamijka. Wey ku wareeysan doonaan iyo waxay ku weydiin doonaan su’aalo.
Churches Rent Deposit Scheme
Kala xariir maamulaha barnaamijka
Avenue St. Andrew´s URC, The Avenue, Southampton SO17 1XQ
Email: rentscheme@asaurc.org.uk
Telefoonka ah: 023 8090 4529 (telfoonka jawaabta 24-ka saacadood)
Barnaamika Deboositka Ijaarka Catholics-ka magaalada Southampton
La xariir Martin Kelland (Isku duwaha)
Telefoonka ah: 023 8090 4529
Barnaamika Deboositka Ijaarka Catholics-ka magaalada Southampton
Gurigaada: Haddii aad u qalanto caawinaad
Haddii uu maamuluhu kaa ogolaado inaad u qalanto caawinaada barnaamijka, maamuluhu waxa uu la shaqeeyn doona adiga iyo qofka guriga iska leh.
Haddii uu qofka guriga iska lehi ogolaado:
- Baraamijku waxa u soo booqan doona guriga, si uu u hubiyo in gaaska iyo alaabta kaleba ay yihiin kuwo shaqeeynaya. waxay eegi doonaan inuu gurgigaada xaaladiisu wanaagsan tahay oo la dayactiray.
- Barnaamijku waxa uu la eegi doonaa dhamaanba alaabta taal guriga (Tiradeeda) adiga iyo qofka guriga iska leh.
- Haddii ay dhamaanba xaaladu tahay mid wanaagsan, barnaamijku waxa uu ogolaan doonaa inuu bixiyo deboositka guriga, waa inaad adigu horay u bixisaa 4 sitimaan ijaarkooda.
- Waxaad ku sixiixi doontaa heshiiska ijaarka gurigaada, habka barnaamijka deboositka, tirada alaabta guriga taal iyo foomka caawinaada ijaarka (haddii aad u qalanto).
- Waxaad u soo guuri doontaa gurigaada cusub.