Gurigaada iyo Dadka Badan

Gurigaada iyo Dadka Badan


Bookmark and Share


Haddii aad raadinayso meel aad degto, marka hore ogow inta ruux ee degan gurigaas. Midaas samee ka hor inta aadan guriga cusub u guurin.

Haddii aad ogaato in aaad

  • Qolka jiifka la wadaagi doonto qof kale oo aan qoyskaada ahayn
  • Qolka jiifka la wadaagi doonto qof kale oo aadan aqoon oo nin ama naag kale ah
  • Caruurtaadu ay tahay inay wada wadaagaan hal qol in kastoo ay da’doodu tahay 10 jir ama ka weyn
  • Inka badan 5 ruux ay wada wadaagaan hal qol iyo musqul iyo kushiin

Markaas gurigaasi waa mid ay dadku ku badan yihiin (leh dad fara badan). Waxaad xaq u leedahay inaad diidi karto gurigaas.

Dadka guryaha lehi waxaa qasab ku ah inaysan u ogolaan in dad fara badani ay ku wada noolaadan hal guri, xitaa haddii aysan dadkaas oo wada dhami aanay hal mar joogayn guriga.

Haddii aad guri degan tahay Waxaa qasab ah in aadan u ogolaan in aysan dad kale kula soo degin haddii ay midaasi ka dhigayso gurigaada mid dadku ku badan yahay. Kuwaas waxaa ku jira saaxiibadaa iyo qoyskiina.

Dowlada hoose waxaa laga yaaba inay ku caawiso haddii aad ku nooshahay guri ay dadku ku badan yihiin.

Wixii tallo bixin ah, kala soo xariir

Private Sector Housing Team
Southbrook Rise
4-8 Millbrook Road East
Southampton
SO15 1YG

Telefoonka ah 023 8083 2606.

Gurigaada iyo Dhibaatooyinka Qeylada

Markii aad u soo guurto guri cusub, hubso inaadan sameeyn qeylo fara badan. Qeyladu waxay ka careysiin kartaa deriskaada. Qeylada waxaa ka mid ah muustikada ama telefishinka oo la dheereeyo, Dhawaaqa garaacida ama qeylada. Sidoo kale waxaa ka mid ah qeylada eyaha haddii aad mid leedahay. Qeyladu waxay aad uga careeysiisaa deriskaada habeenkii.

Haddii ay deriskaadu kaga soo dacwoodaan kawnsilka qeyladadaada daraadeed, kawnsilku waxay ku soo diri doonaan waraaqad ay kaaga codsanayaan inaad joojiso qeyladaas. Haddii aad sii wado qeyladaasna, kawnsilku waxaa laga yaaba inay ku soo diraan waraaqad ay kaaga digayaan tilaabooyinka sharciga ah ee ay kaa qaadayaan.

Haddii ay deriskaadu sameeyaan qeylo fara badan oo aad doonayso inaad u soo sheegto arintaas kawnsilka, la soo xariir

Public Health Team
Southbrook Rise
4-8 Millbrook Road East
Southampton
SO15 1YG

Telefoonka ah 023 8083 4442.

Wixii warbixin dheeraad ah ama si aad dacwad u sameeyso riix bogaan

www.southampton.gov.uk/s-environment/nuisance/noise.aspx