Gurigaada, Qaadida Qashinka iyo Qashinka dib u isticmaalida ee Southampton
Waa mid muhiim u ah qof walba inuu ku rido qashinka dib loo isticmaali karo caaga loogu talo galay intii maquul ah. Si midaas lagugu fududeeyo waxaanu ku haynaa caaga lagu rido qashinka dib loo isticmaali karo. Dib u isticmaalida qashinku waxa uu keydiyaa quwada iyo badbaadiyaa degaanka. Tusaale ahaan bacda iyo birta waxaa loo isticmaala in dib looga soo sameeyo dhalooyin iyo caagag.
Sidee dib ugu isticmaala?
Guri walba waxa uu leeyahay caag lagu rido qashinka dib loo isitcmaali karo.
Caaga lagu rido qashinka dib loo istcmaali karo daboolkiisu waa Buluug oo qashinkaas waxaa laga soo daadin doona labadii sitimaanba mar.
Maxaan ku ridi karaa caaga qashinka dib loo isticmaalayo?
Caaga qashinka lagu rido ee furka baluuga ah leh waxaad ku ridi kartaa
- Xaanshiyaha
- Gasacayada (fadlan marka hore biyo raaci)
- Dhalooyinka balaastikada ah
- Kaararka iyo baakadaha
Waxaa jira meelo kale oo lagu rido qashinka dib loo isitcmaali karo ee degaankaada meelo ka mid ah yaala oo lagu rido alaabta sida, dhalooyinka iyo dharka oo kale ah.
Maxaan ku ridi karaa caaga qashinka caadiga ah?
- Dhamanba qashinka kale oo dhan waxa lagu ridaa caaga leh furka cagaarka ah.
- Qashinkaasi waa midka aan dib loo isticmaali karin sida qashinka cuntada,
bacaha madoow, bacaha alaabta lagu keeno iyo qalabka balaastikada. - Qashinka ku jira caaga cagaarka ah waxaa la soo daadiyaa sitimaan kasta mar.
- Fadlan dhig caaga qashinka meesha ku xigta albaabkaada hore ee dhinaca wadada ah – laakiin waxaad dhigtaa oo kaliya maalinta qashinka la qaadayo
bogaga
www.southampton.gov.uk/s-environment/householdwaste
Si aad u ogaato maalinta qashinka la qaadayo ka eeg: www.southampton.gov.uk
Ama qadka telefoonka bilaashka ah ee 080 0519 1919