Helitaanka Guriga
Waxaad sameeyn kartaa inaad:
- Ka ijaarato guri ama falat qof shaqsi ah oo guri leh
- Ka ijaaran kartaa guryaha bulshada dowlada hoose ama ururka guryaha
- Iibsan kartaa guri
Dadka intiisa badani waxay guryo ka ijaartaan dad guryo leh oo shaqsiyaan ah. Waxay noqon kartaa mid dhib leh inaad hesho guri aad ka degto Southampton, qaasatan haddii uu daqligaadu yar yahay. Wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan caawinaada sidii aad ku heli lahayd meel aad ka degto Southampton riix halkaan
www.housinginsouthampton.co.uk/index.asp
Haddii aad guri la’aan tahay
Fadlan soo booqo bogga hoos ku qoran si aad uga hesho jawaabaha dhowr su’aalood
www.southampton.gov.uk/living/housing/moneysolutions/homelessadvice/faqs.aspx
Qoysaska guri la’aantu hayso waxay talo bixinta guryaha weydiisan karaan qadka telefoonka ee ah 023 8083 2327. Saacadaha uu furan yahay waxay ka muuqdaan halkaan
www.southampton.gov.uk/living/housing/moneysolutions/homelessadvice
Dadka halka ruux ah waxay kala xariiri karaan Kooxda Ka hortaga Wadooyinka 023 8021 6000
Helitanka Guriga: Qof shaqsi ah uu leeyahay
Dad badan ayaa guryo ama flatyo waxay ka ijaartaan shaqsiyaad guryo leh. Sharuucda ijaarka waxaad ka heli kartaa halkaan:
www.housinginsouthampton.co.uk/renting.asp
Markii aad hesho meel aad degto, hubso in aad ka hesho Heshiiska Ijaarka qofka guriga leh. Si taxadar leh u aqri heshiiska guriga inta aadan saxiixin ka hor. Hubso sida xaalada gurigu tahay iyo in alaabta guriga taalo lagu qoro liiska loo yaqaan inventoriga.
www.housinginsouthampton.com/agreement.asp
www.housinginsouthampton.com/furniture.asp
Waa inaad siisaa Deposit qofka guriga iska leh. Midaas waxaa lagu bixin doonaa dhaawacyada aad u geysato dhismaha. Waxaa sidoo kale lagu bixin doonaa ijaarka lagugu leeyahay.
www.housinginsouthampton.com/money.asp
Sida uu sharcigu qabo qofka guriga iska leh waa inuu meel fiican dhigaa lacagta depositka ah. Waana inuu ku sheegaa habka depositka ee uu isticmaalayo. Haddii uusan ku sheegin, raadso talo bixin.
www.housinginsouthampton.com/landlords.asp
Waxaa jira barnaamijyo kaa caawin kara bixinta depositka
Qofka guriga iska leh ayaa ku dayactiri doona guriga. Haddii qofkaas guriga lihi uusan ku sameeyn dayactirka aad u baahan tahay, la xariir dowlada hoose ee Southampton. Waxay la xariiiri karaam qofka guriga iska leh oo weydiin karaan waxa ay dhibaatadu tahay.
www.housinginsouthampton.com/landlords.asp
Qofka guriga degan ahaana waxaa ku saaran masuuliyad – ka fiiri bogaan hoose
www.housinginsouthampton.com/responsibilities.asp
Helitaanka guriga: Dhibaatooyinka Dadka guryaha degan
Hadii aad u baahan tahay talo bixin, la xariir Kooxda Guryaha Shaqsiga ee Dowlada hoose ee Southampton. Telefoonka Qeybta Guryaha Shaqsiga waa 023 8083 2606 / 2735
Ama email housing.renewal@southampton.gov.uk
Wixii warbixin dheeraad ah halkaan riix
www.southampton.gov.uk/living/housing/private/privatetenants
Helitaanka guriga: Guryaha Dowlada hoose ama Ururka Guryaha
Dad badan ayaa waxay soo codsadeen guryaha bulshada Southampton oo waxaa laga yaaba inaad sugto muddo dheer si aad mid u hesho.
Si aad u soo codsato guryaha Dowlada Hoose ee Southampton, waa inaad soo buuxisaa codsiga guryaha, kaasoo aad ka heli karto Gateway-ga ama aad ka soo daabacan kartaa halkaan:
www.southampton.gov.uk/living/housing/moneysolutions/allocations
Kawnsilku waxa ay eegi doonaan u qalmidaada guryaha ka hor inta aan lagugu qorin liiska sugitaanka oo aadan guri raadsan.
Wixii warbixin dheeraad ah ee ku saabsan guryaha kawnsilka halkaan hoose ka eeg
www.southampton.gov.uk/living/housing/moneysolutions/allocations/homebid/default.aspx