Caafimaadkaada – Howlaha Uurka

Caafimaadkaada – Howlaha Uurka


Bookmark and Share


Caafimaadka iyo Uurka

Haddii aad u malaynayso inaad uur leedahay, la xariir dhaqtarkaada(GB) sida ugu dhaqsaha badan.

Isbitaalka degaankaadu waxa uu bixiyaa howlo qaas ah oo la yiraahdo Howlaha Uurka. Kuwaani waa kooxo dhaqaatiir iyo kalkaalisooyin loo yaqaan obstetricians iyo umulisooyin. Waxay la shaqeeyaan dhaqtarkaada si ay ku siiyaan xanaanada aad u baahan tahay inta aad uurka leedahay. (midaas waxaa la yiraahdaa antenatal care).

Mudada aad uurka leedahay iyo hal sanno ka dib markii aad dhasho, waxaad xaq u leedhay Daawo lacag la’aan ah iyo xanaanada ilakaha oo bilaasha ah.

Markii aad ogaato in laga yaabo inaad uur leedahay, la xariir dhaqtarkaada marka hore. Ha sugin hana ka daahin! Umulisadaada ama dhaqtarkaada ayaa kaala xaajoon doona uurkaada iyo ku sheegi doona balamada antenatal iyo tababarada aad u baahan tahay. Goobta laga yaabo inaad ku dhasho ayaa sidoo kale lagaala xaajoon doonaa. Umulisadaada ama dhaqtarkaada ayaa ku arki doona mudada ka dhiman xanaanada antenatal, iyo waxa uu ku diri doonaa inaad u tagto dhaqtar obstetrician ah haddii uu welwel jiro.

Haddii aad ogaato inaadan iman karin balantaada, fadlan ugu sheeg sida ugu dhaqsaha badan dhaqtarkaada si waqtigaas loo siiyo qof kale.

Haddii uurkaadu uu yahay mid aadan qorsheeysan, oo aad u baahan tahay talo bixin iyo caawinaad, kala soo xariir Xarunta Dhibaatooyinka Uurka ee Firgrove 023 8078 3134.

Wax dhibaato ah?

Qeybta Uurka Hore (EPU) waa qeyb loo sameeyay inay xanaanado siiyaan haweenka dhibaatada ku qaba xilliga hore ee uurka. Waxay ku yaaliin Isbitaalka Princess Anne Hospital (PAH) oo waxay furan yihiin Isniinta ilaa Jimcaha 9am ilaa 5pm. Haweenku waxay ka soo wici karaan caawinaada kooxda telefoonada kala ah 023 8079 8412 ama 023 8079 6988.

Hasa ahaate, markii aad leedahay Umulisada xanaanda antenatal ama dhaqtar, meesha koowaad ee aad talo ahaan ula xariiri kartaa waa umulisadaada ama dhaqtarkaada (GB).

Baaritaanada

Waxaa jira dhowr nooc oo baaritaano caafimaad ah oo laga yaabo in lagu siiyo mudada aad uurka leedahay. kuwaas waxa si buuxda lagugu sharaxayaa buuga la yiraahdo ‘Baaritaanada adiga iyo cunugaada’, midkaasoo ay tahay inuu ku siiyo dhaqtarkaada (GB) marka ugu horeysa ee uurka lagu xaqiijiyo. Buugaasi waxa aad ku heli kartaa luqada boolishka

www.screening.nhs.uk/languages

Muhiim

Haddii aad badasho magacaada, ciiwaankaada mudada aad uurka leedahay, fadlan u sheeg umulisadaada ama dhaqtarkaada sida ugu dhaqsaha badan, si rekoorkaada loo hagaajiyo.

Mar kasta wado waraaqahaada antenatalm markii aad balantaada u timaado.
Mar kasta u sheeg umulisadaada haddii aad u tagtay dhaqaatiir kale, baaritaano kale lagugu sameeyay, ama lagu qoray wax daawo ah, oo halkaana ama wadanka dibadiisa.