Lacag – Furashada Xisaabta Bangiga
Markii aad u soo guurto wadan cusub dhibaato ayay kugu noqon kartaa sidii aad ku fahmi lahayd ama u maamuli lahayd lacagtaada. Waxaa jira waxyaabo fara badan oo ay tahay inaad soo iibsato, wixii aan ka ahayn dharka iyo cuntada; tusaale ahaan Lisenka TV-ga, Gaaska, Korontada iyo Qarashyada kale. Mushaarkaadana waa inaad dowlada canshuurteeda ka bixiso iyo sidoo kale ijaarka iska bixiso iyo canshuurta guriga aad degan tahay u siiso dowlada hoose ee meesha aad degan tahay.
Mida ugu muhiimsan ee habka aad u maamuli karto lacagtaadu waa inaad furataa xisaab bangi.
Si aad u furato xisaab bangi, waxaa lagaaga baahan yahay inaad keento:
- Cadeeynta Aqoonsigaada (ID) oo masawir leh.
- Cadeeynta ciiwaanka guriga aad degan tahay.
Bangiyada qaarkood waxay doonayaan wax ka badan labo aqoonsi (ID). Qaado intii aad awoodo oo aqoonsi ah.
Cadeeynta aqoonsiga ee bangigu laga yaabo inay ku weydiiyaan waa:
- Baasabor ama Kaarka Aqoonsiga Qaranka
- Sharcigaada degenaanshada ama wixii kale ee la midka ah ee ay ku siiyeen hayada Home Office kuwaasoo muujinaya xaquuqdaada degenaanshada wadanka UK.
- Lisenka Darawalnimada Qaranka
Cadeynta ciiwaanka ee uu bangigu ku weydiin karo waa:
- Heshiiska Ijaarka guriga oo muujinaya ciiwaanka aad ku nooshahay.
- Biilasha Gaaska iyo Korontada
- Waraaqad ay shaqadaada wadankaan UK ku soo qoreen oo xaqiijinaysa ciiwaankaada UK (haddii aad hayso jeega shaqaduna waa ku caawin karaa
Ha u keeni waraaqo footo koobi ah, bangiyadu waxay doonayaan nuqulkii koowaad ama waraaq aan la koobiyeen, ha keeni koobi.
Tallo Bixinta Lacagta:
Haddii aad doonayso talooyin ku saabsan dhibaatooyinka deynta, tusaale ahaan sababtoo ah ma aadan bixin canshuurta dowlada hoose, ama biilal kale oo waaweyn la xariir HAMAOUS ama hayada the citizens advice bureau.
HAMAOUS
Kala xariir wixii talo bixin ah oo la xariira lacagta, Dowlaha Hoose ee Southapmton: Qebyta Howlaha Talo Bixinta Guryaha iyo Lacagta (HAMAOUS)
Waxaad ka wici kartaa telefoonka ah (023 8033 9206) ama u diri kartaa email.
Haddii aad u soo dirayso email, fadlan soo buuxi foomka u diritaanka ee halkaan la socda oo u soo dir outreach.advice@southampton.gov.uk.
Hayada Citizens Advice Bureau (CAB) ayaa sidoo kale ku siin karta talooyinka ku saabsan dhibaatooyinka lacagta.
3 Kings Park Road,
Southampton,
SO15 2AT.
023 8022 3659
Hayada The National Debtline waxay sidoo kale bixiyaan talooyin. Waxay leeyihiin qadka telefoonka caawinaada oo bixiya talooyin bilaash ah oo qarsoodi ah.
Qadka Telefoonka Deynta Qaranku waa: 080 8808 4000
Isniinta – Jimcaha 9am-9pm
Sabtida 9.30am-1pm