Dagaalka Qoyska iyo Sharciga

Dagaalka Qoyska iyo Sharciga


Bookmark and Share


Qofkii waxyeelo dagaalka qoyska dhexdiisa ah u geysta qof kale, waxaa lagu qaadi karaa sharciga Britishka.

Waa maxay dagaalka qoyska dhexdiisa ah

Dagaalka qoysk dhaxdiisa waxa uu macnaheedu noqon karaa habab kala duwan. Waxa uu noqon karaa waxyeelitaanka korka, tusaale ahaan xaaskaada oo wax kugu dhufatay ama dhuftay. waxay sidoo kale noqon kartaa xoogitaanka galmadaa, tusaale ahaan xoogida. waxay kaloo noqon kartaa ku qaylinta dagaalka oo kala, tusaale ahaan markii uu xaaskaadu kugu qayliyo oo ku cabsiiyo.

Labadaba raga iyo dumarkuba wey ku dhacaan dhibaatooyinka dagaalka qoyska. waxay sidoo kale quseeysaa dagaalka dhex mara waalidka iyo caruurta.

Maxaan sameeyn karaa

La xariir booliiska. Booliis si dhab ah ayay u baaraan dagaalka qoyska dhaxdiisaa oo waxay ka qaadi doona talaabo ay kugu badbaadinayaan. Haddii ay qatari dhacdo wac 999

Haddii aanay arintaadu ahayn mid qatar ah, waxaad la xariiri kartaa saldhiga booliiska degaankaada oo kala xaajoon kartaa xaaladaada. Ka wac 0845 045 4545

Waxaad la xariiri kartaa hayadaha madaxa banaan sida CAB ama Southampton Women’s Aid oo aad weydiisan kartaa inay caawinaad iyotalo ku siiyaan. Waxay kaloo ku macnayn karaan waxa uu sharcigu ka qabo dagaalka qoyska. waxaa ku roon inaad kala hadasho doorashooyinka ay ka mid ka yihiin:

  • Isku daydo inaad joojiso dagaalka oo aad la sii joogto qofka ku waxyeeleeyay
  • Uga tagto guriga si ku meel gaar ah
  • Uga tagto guriga si joogto ah
  • Inaad gurigaada joogto oo qofka ku waxyeeleeyay aad guriga ka saarto
  • Qaado talaabo sharci ah.

Booliiska iyo shaqaalaha bulshaduba waxay hubin doonaan inaad hesho caawinaada aad u baahan tahay. Waxay kula xariirin karaan hayadaha iskaa wax u qasiga oo kaa caawin kara guri aad qaxooti ahaan u sii dagto oo nabad ah. Hasa ahaate waa inaad la socotaa helitaanka guryahaas qaxootigu waxa ay ku xiran tahay hadba sharcigaada immigarshinka sida uu yahay. Tusaale ahaan: haddii aad u degan tahay ama uga shaqeeyso wadankaan UK si sharci ah ama aad bixinayso canshuurta Ceymiska Qaranka.

Halka laga helo caawinaada

Safer Communities Team (Kooxda Nabadgelyada Bulshada), Southampton City Council

Telefoonka: 023 8083 3071

Email community.safety@southampton.gov.uk

Hayadaha Degaanka

Chinese Information and Advice Centre: 023 7462 1281

EU Welcome (Soo dhaweeynta EU)

EU Welcome waxay bixiyaan caawinaad ay siiyaan dadka ka yimid wadamada ku cusub ururka midoowga Yurub. Waxay dadka si toos ah ugu diraan howlaha ay u baahan yihiin oo ay kalu shaqeeyn karaan luqadaha Ingriiska, poolishka iyo luqadaha kale ee Yurub.

Telefoonka: 07786 392886

euwelcome@yahoo.co.uk

Southampton Citizen´s Advice Bureau

3 King´s Park Road
Southampton,
SO15 2AT
Telefoonka: 023 80223659

Southampton Women´s Aid 023 8033 8881

South Hampshire Women’s Refuge 023 8063 7550

Hayadaha Qaranka iyo website-kooda

Hayada Qaxootiga

www.refugeecouncil.org.uk/practice/multilingual/advisers/support/domestic_violence.htm

Qadka Caawinaada Haweenka Muslinka

Howshaani waa telefoonka caawinaada haweenka Muslinka ah, iyadoon loo eegayn wadanka ka yimaadeen.
Telefoonka: 020 8904 8193