Isticmaalka Midiyaha: waxa uu sharcigu ka oranayo.
Sida uu qabo sharciga British-ka, waa sharci daro in lagu soo qaato midi bulshada dhaxdeeda. Haddii aad sidaas yeesho, waxaa kugu dhici doona ciqaab ganaax ah oo sharci ah.
Haddii aad u soo qaadato midi si aad iskugu difaaco ama aad u dareento nabadgelyo laakiin aadan doonayn inaad isticmaasho markaas waxaad sameeynaysaa dambi.
Haddii aad qorsheeynayso inaad soo iibsato midi ama aad qaadato midi, waxaa muhiim ah inaad taqaan waxa uu sharcigu oranayo. Qof walba oo lagu helo inuu jabiyay sharcigaan waxaa lagu xukumi karaa xabsi gaaraya ilaa iyo 4 sanno.
Kuwaas waxaa ku jira:
- Waa sharci daro inuu dukaanku ka gado midi noocay doontaba ha ahaate (oo ay ku jiraan maqasyada waaweyn iyo midiyaha kushiinka) qof ay da’diisu ka yar tahay 18 sanno jir
- Waa sharci daro in midi lagu dhex wato bulshada iyadoon sabab wanaagsan loo haysan – tusaale ahaan qofka cuntada kariya oo kale
- Ciqaabta ugu sareeysa ee lagu xukumi karo qofka qaan gaarka ah ee lagu qabto mididu waa 4 sanno oo xariga ah iyo £5,000 oo ganaax ah
- Waa shrci daro in la soo qaato, gato ama gado noocay doontaba ha ahaate midiyaha ay dowladu mabnuucday
- Midiyaha leh dabada laga qabto, sida midiyaha loo yaqaan Swiss Army, ma aha sharci daro haddii ay midida dhererkeedu ka yar tahay sadex injis (7.62 cms)
- Haddii midida loo isticmaalo in qof kale lagu cabsiiyo (xitaa midiyaha sharciga ah, sida midida Swiss Army ) waxaa loo arki doonaa ‘hub waxyeeleyn ah’ sida u sharcigu qabo.