Sharciga iyo Dembiyada Nacaybka

Sharciga iyo Dembiyada Nacaybka


Bookmark and Share


Waa maxay dembiyada nacaybku?

Dembiyada nacaybku waa markii uu qof waxyeeleeyo ama dhaawaco qof kale sababtoo ah qofkaasi waxa uu u dhashay bulsho qaas ah; tusaale ahaan midabkooda, lab ama dhedig ama curyaanimo iwm.

Xayeelitaanka qoladu waa markii uu qof uu caayo ama waxyeeleeyo qof kale sababtoo ah midabka maqaarkiisa, diinta uu aaminsan yahay, luqada uu ku hadlo ama wadanka uu ka yimid. Waxaa ku jira

  • Wax ku tuuritaanka dadka ama dhismayaasha
  • Waxyaalo xumayn ah oo sanduuqa waraaqaha boostada loogu dhajiyo
  • Waraaqaha nacabka
  • Soo wicitaan telefoon oo qolo nacayb ah

Waxyeelitaanka qoladu waa wax qalad ah. Ha u dul qaadan.

Waxyeelitaanka qoladu waa sharci daro; soo sheeg.

Sharcigu waxa uu u sameeyay ganaaxyo dadka geysta waxyeelaynta qolooyinka kale.

Soo sheegida

Waxaad soo sheegi kartaa wixii shilal waxyeelitaan ah haddii aad adigu dhibane tahay ama marqaati tahay. Marqaatigu waa ruuxa arkay dhibaateeyn la xariirta midabka ama Dembiyada Nacaybka ah oo loo geystay qof kale.

Dembiyada waa in mar kasta loo soo sheegaa booliiska

Marka ugu horeeysa, hubso in adiga iyo dhibanahuba aan nabad qabtaan. Haddii uu midkiin qatar ku jiro, ka wac booliiska sida ugu dhaqsaha badan 999.

Keysaska kale ee aan qatarta ahayn waxaad u tagi kartaa saldhiga booliiska ama soo wac

084 5045 4545.

Ama Denbi Joojiyaasha Koonfureed 080 0555 111.

Waxaad sidoo kale u soo sheegi kartaa denbiyada nacaybka Dowlada Hoose ee Southampton (City Council)

Email ahaana: hate.crime@southampton.gov.uk

Telefoonka ah: 023 8083 4114

Foomanka Webside-ka: http://sccwww1.southampton.gov.uk/consultation/hatecrime/harassment6.htm

Wixii warbixin dheeraad ah, riix
www.southampton.gov.uk/living/commequalities/raceequality/hatecrime.aspx