Waxaa qasab ah inaad taqaano sharciga waditaanka baabuurta ee Britain

Waxaa qasab ah inaad taqaano sharciga waditaanka baabuurta ee Britain


Bookmark and Share


Ka hor inta aadan wadin baabuur wadankaan UK waxaa qasab ah inaad og tahay waxa aad wadi karto iyo waraaqaha sharciga ah ee aad u baahan tahay inaad baabuurka ku haysato.

Haddii aad soo iibsato baabuur waa inaad ka diiwaangelisa Hayada Darawalada iyo Laysanada Baabuurta (DVLA).

Si aad si sherci ah baabuur ugu wado Britain waa inaad :

  • Hubsataa inuu baabuurkaada si nabadgelyo leh loo wadi karo oo la soo baaro
  • Inaad ku wado dhinaca bidix ee wadada
  • Mar kasta ay xirtaan suunka kursiga. Dhamaanba dadka baabuurka saaran iyo darawalkaba oo ay ku jiraan kuwa gadaal fadhiya
  • Si taxadar leh aad u wado oo aad ilaaliso xadka socodka ee la ogol yahay
  • Waa inaadan baabuurka wadin adigoo isticmaalaya telefoonka gacanta.

Sida uu sharcigu qoray, waxaa qasab ah inaad haysato dokumeentigaan ka hor inta aadan baabuur wadin:

  • Lisenka darawalnimada oo sharci ka ah wadankaan UK
  • In ceymiska lagu daro darawalk kasta oo baabuurka wada
  • Shahaadada baaritaanka baabuurta ee MOT oo lagu sameeyay garaash loo ogolaaday MOT
  • Diskiga canshuurta wadada. waraaqdaas waxaad ka heli kartaa xafiiska boostada ama internetka. Waxaa lagaaga baahan doonaa inaad la timaado ceymiska baabuurka iyo shahaadada MOT-ga si aad u hesho diskiga canshuurta. Markii aad soo qaadato diskigaas, waxaa qasab ah inaad ku dhejiso muraayada hore ee dhamaanba baabuurta aad wado. www.taxdisc.direct.gov.uk/EvlPortalApp

Haddii sargaal booliis ahi uu ku weydiiyo inaad tusto dokumeentigaada, waa inaad isla markaasba tustaa uu ku weydiiyay ama aad ugu keento saldhiga booliiska 7 casho gudahood. Midaani waa sharci.

Sharcigu waxa uu kugu xukumi doonaan qanaax culus oo shrcigaa haddii aad baabuurka wado adigoo qamraysan:

  • Waxaa qasab ah inaadan baabuur wadin haddii aad qamri cabtay ama qaadatay daroogo – oo ay ku jiraan daawooyinka uu dhaqtarku ku siiyay
  • Haddii ay maxkamadu kugu hesho inaad waday baabuur adigoo qamarysani, waxay kaa mabnuuci doonaan waditaanka baabuurta ugu yaraan 12 bilood.
  • Waxaa sidoo kale lagu taxaabi karaa xabsi muddo gaaraysa 6 bilood, lagu ganaaxi doonaa ilaa iyo £5,000, shaqada laga saari karaa oo waxaad bixin doontaa ceymiska baabuurta oo aad qaali u ah.